Daawo Sawirada Doorashada xildhibaanada Aqalka Hoose oo Garowe ka socota

Daawo Sawirada Doorashada xildhibaanada Aqalka Hoose oo Garowe ka socota

Doorashada xildhibaanada Aqalka Hoose ayaa maanta si rasmi ah ugu bilaabatay Magaalada Garoowe ee caasimada maamulka Puntland , goobta ay ka socota doorashada ayaa waxaa goobjoog ka ah madax ka tirsan maamulka Puntland, Qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka  Puntland iyo xubno ka socda beesha Caalamka.

Kursigii koowaad ee Puntland ku yeelato Aqalka Hoose ee Soomaaliya , Waxaa ku guulaystay Cali Yuusuf Cali Xoosh kadib markii uu 49cod kaga guulaystay Cabdirashiid Xasan Yuusuf oo isagu helay 1-cod.

Shalay Magaalada Garoowe waxaa lagu qabtay tababar ku saabsan sida ergooyinka soo dooranaya xildhibaanada Aqalka Hoose ee deegaanada maamulka Puntland u matalaya dowladda Soomaaliya ay wax u dooran la haayeen  sidoo kale shuruudaha laga rabo in ay ilaaliyaan ergooyinka wax dooranaya.

Madaxda maamulka Puntland ayaa sheegay in si weyn loo adkeeyay ammaanka Magaalada

doorasho-1 Garoowe ee Caasimada maamulka Puntland halkaasi oo ay ka dhaceyso doorashada xildhibaanada Aqalka Hoose.

 

garowe-sax-1garowe-saxgarowe-sax-12garowe-sax-10garowe-sax-9garowe-sax-7garowe-sax-6garowe-sax-5garowe-sax-4garowe-sax-3garowe-sax-2

Leave a Reply

Your email address will not be published.