Gabadh wax baratay waa bulsho wax baratay

Gabadh wax baratay waa bulsho wax baratay

Bulshada Soomaliyeed waxay ahaayeen bulsho xoolo raacato ah boqolkiiba sideetan,dhaqda xoolaha nool ee sadexda meesin sida geela, ariga iyo lo’da, degmoahaana u dega qaab qabiil.

Sida caadada ah waxaa lagu yaqiinay marka laga hadlayo dhanka waxbarashada maysan u sinayn in wax la baro wiilka iyo gabadha walaalaha ama ay hooyoiyo aabo wada dhaleen, sababtoo ah markaan dib uufiirino waayihii hore waxaa dhici jirtey in wiilka ay waalidku u tarbiyeeyaan sidii uu macalin ama sheekh u noqon lahaa halka gabadha iyana loogu tala gali jirey in ay reerka xoog u noqoto too laga sugo dhamaan hawsha guriga iyo raacista xoolaha.

Gabadhu marka ay shan jir gaarto waxaa la raacin jirey xoolaha siiba naylaha halka wiilka dugsi Quraan lagu dari jirey.

Sida muuqatay gabadhu waxay reerka ka ahayd mid culays badan uu ka saaran yahay hawsha marka ay soo weynaato ee ay toban jir soo gaartaba waxay ahyd mid kufilaata reerka haday noqoto dhaaminta biyaha  oo masaafo aad u dheer laga raadin jiray,falkinta ama samaynta cawda taasoo ay dhibaatadaasi shaqo haysan jirtey ayaa hadana aan lagu wargalin jirin in ay dooqeeda guursato,markay qaangaarto waalidkuna uu ninkii uu doono  siin jirey xoolana kaga badalan jirey,halka wiilka marka uu dhameeyo Quraanka lagusii taba bari jirey raacashada kutubta cilmiga marka uu dhameeyo cilmigaasina loo guurin jirey,taasi oo bulshada Soomalida ama dhaqanka Soomaliyeed ku ahayd mid aan ku haboonayn in lakala fadilo wiilka iyo gabadha.

Barwaaqo waa gabar ka mid  ahayd dadka ku dhaqan tuulo ka tirsan dhul weynaha Soomaliyeed una adkaysan weydey dhibaatada kaga imaanaysa hawsha culus ee kajirtey baadiyaha ay kunoolayd islamarkaana loo sheegay in barrito la soo doonayo.

Gabadhii Barwaaqo ahayd talo ayaa kucadaatey waxyna go,aansatay inay iskaga hayaanto meesha intaaan loo guurin ninkii la sheegayay.

Goor aan habeen ahayn,maalina ahayn qorraxduna liilka ay sii galayso ayaa  Barwaaqo halhaleel u qaadatay labo kabood too dhamaad ahaa beegsatayna jihadii foolkeedu u sii jeeday; waxay socotaba gudcur gudaba waxaa isugu darsamay haraad, gaajo iyo diif badanoo ay la daalaa dhacaysay waxayna soo gaartey magaalo aan saa u weynayn balse kutaal wado gaari mareen ah.

Barwaaqo lacag ma haysan oo waataynu ogeyn say kusoo baxdaye waxaa Ilaahay u cabiidiyey darawalkii gaariga markay u sheegtay dhibaatadii ay soo martey islamarkaana u garaabay keenayna magaalada Muqdisho oo ah caasimada Soomaliyeed.

Waxaa la gaaray xiligii balanta ahayd in la soo doono gabadhii Barwaaqo ahayd lana siiyo ninkii aabaheed uu ka qaatay xoolaha kaasi oo ahaa oday leh labo reer caruurtiisuna ay caruur sii dhaleen,balse waxaa lagu baraarugay in gabadhii ayna joogin reerkaba.

Filanwaa ayaa kudhacay odeygii aabaha u ahaa iyo qoyskii Barwaaqo kadhalatayba kuwaasi oo subaxaasi diyaar u ahaa inay guuriyaan gabadha.

Barwaaqo waxay heshay jaanis ay wax kubarato kadib markii loo geeyay oday abtigeed ah too macalin iskuul ahaa magaaladana soo galay waqti hore halkaasi oo ay ku aflaxdey kagana baxdey indho xirnaantii ,jahligii iyo aqoon daradii daashatay gabdhahii Soomaaliyeed ee waqtigaasi jirey tusaalena u noqotay in gabdhuhu wax baran karaan.

Barwaaqo waxay ka mid noqotay dumarka tirada yaree ku noolaa magaalada islamarkaana waxbartay anfacdayna nafteeda iyo reerkoodii kadib markii ay qoyskoodii oo ka samray ay u sheegtay in ay kunooshahay maglaada Muqdisho una sheegtay in ay shaqaysato doonaysana in ay magalada keento gabdhihii ka yaryaraa si ay wax u bartaan mustaqbalkana ay bulshada anfacaan.

Hadase bulshada Soomaliyeed ee maanta joogta waxaay samaysay in ay katanaasusho caadadii xumayd ee ku salaysnayd inaan gabar wax la barin kadib markii ay arkeen gabdho wax bartey oo kafiican wiilal wax bartey tuurayna halhayskii ahaa gabadh jaamacadeeduwaa jiko ee maxaa wax lagabarayaa.

WQ:Maxamuud Axmednuur Muuse (Xaaji Gool)
Nairobi Kenya

Leave a Reply

Your email address will not be published.