Madaxweyne Xassan oo ciil dartiis Keydka uga soo saaray wixii dhaqaale ahaa ee ku jiray Akoonkiisa

Madaxweyne Xassan oo ciil dartiis Keydka uga soo saaray wixii dhaqaale ahaa ee ku jiray Akoonkiisa

Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud ayaa bilaabay shirar gaar gaar ah oo uu ku kasbanaayo Xildhibaanada cusub ee maalmihii ugu danbeeyay lagu dooranaayay Gobolada dalka.

Shirarkaani oo inta badan ka dhaca Xafiiskiisa ayaa waxa uu ujeedka yahay sida uu ku heli lahaa kalsoonida Xildhibaanada oo dooran doona Madaxweynaha cusub.

Shirarka socda qaarkood ayaa waxaa qeyb ka ah xubno ka tirsan labada Aqal ee dowlada kuwaasi oo iyaga Xassan ku garbinaaya Heshiiska, si mar kale loo soo doorto.

Dadka ugu badan ee uu Xassan Shirarka la qaadanaayo ayaa waxaa kamid ah Xildhibaanada cusub ee kasoo kala

jeeda beelaha Abgaal, Murusade iyo Habar-gidir.

Madaxweynaha waxa uu iminka Xildhibaanada Hawiye ku kasbanayaa in Beelaha Daarood iyo Digil iyo mirifle ay u hanqal taagayaan in dalka ay ka noqdaan madaxweyne.

Xassan oo baahidiisa gaarka ah ay u muuqato ayaa sidoo kale, lacago hordhac ah u gacan galiyay tirro Xildhibaano ah kuwaasi oo maalmo un ka hor la doortay, halka qaar kalane uu ku guda jiro sida uu kusoo gacan galin lahaa.

Xildhibaanada hadda u gacan galay ayaa gaaraya ilaa 13 Xildhibaan, oo u badan kuwo cusub, waxa uuna Xassan Sheekh wali ku haminayaa inuu soo laabto.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa adkaaneysa in Xassan uu helo Xildhibaano.

Leave a Reply

Your email address will not be published.