C/wali Gaas oo sheegay haddal niyad jabiyay dhinacyadii la heshiisiineysay Galmudug

C/wali Gaas oo sheegay haddal niyad jabiyay dhinacyadii la heshiisiineysay Galmudug

Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Gaas ayaa durba deyr ka muujiyay Heshiiska xabad joojinta ay la galeen maamulka Galmudug.

Deyrta Madaxweyne Gaas ayaa timid kadib markii weerar Bambaano oo ciidamada Galmudug ay xalay ku qaaden Saldhig ay ciidamada Puntland ku leeyihiin magaalada Gaalkacy.

Madaxweyne C/wali Gaas waxa uu sheegay inay adkaaneyso sii socoshada Heshiiska labada dhinac waxa uuna arrin laga fiican yahay ku sheegay in Heshiis kadib ay mar waliba Galmudug bilowdo weerarka.

Gaas waxa uu sheegay in Puntland ay u baahan tahay nabad balse Galmudug ay tahay mid aan u baahneyn in nabad ay kula noolaato Puntland.

Gaas waxa uu meesha ka saaray in Galmudug ay u nugushahay wada noolaansho, waxa uuna dhankiisa ku taliyay in oorta la kala rarto ama daacad loo noqdo Heshiiska la kala saxiixday.

Haddalka C/wali Gaas ayaa imaanaya iyadoo ciidamada Galmudug ay habeenimadii xalay weerar culus ku qaaden Saldhigga Miir ee xaafadda Horumar ee magaalada Gaalkacyo oo ay ka arimiso Puntland.

Ciidamada Galmudug ayaa lagu eedeeyay inay qaadan weeraro gaadmo ah Heshiiska kadib, waxa ayna Puntland sheegtay inaanu u dulqaadan doonin weeraro gaadmo ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.