SUUQA: Maxaad Kala Socotaa Sheekadda Manchester United Iyo David Alaba (War Muhiim Ah Ayaan Idinkaga Wadnaa)

SUUQA: Maxaad Kala Socotaa Sheekadda Manchester United Iyo David Alaba (War Muhiim Ah Ayaan Idinkaga Wadnaa)

Jose Mourinho ayaa ka fiirsanaya inuu u dhaqaaqo daafaca bidix ee Bayern Munich David Alaba iyo saaxiibkiisa xulka Austria Julian Baumgartlinger, sida lagu qoray wargayska Sunday People.

Tababaraha Manchester United ayaa daawaday labada ciyaaryahan intii lagu jiray ciyaarihii caalamiga ahaa.

Mourinho ayaa doonaya inuu ku xaliyo dhibaatada ka heysata daafaca bidix iyo qadka dhexe labadaba ciyaaryahan ee kasoo jeeda Austria.

Alaba, oo 24 jir ah, waxaa qandaraaskiisa kooxda Bayern dhacayaa ilaa 2021, laakiin Mourinho ayaa doonaya in saxiixa ciyaaryahanka uu ku garaaco kooxdiisii hore ee Real Madrid.

Baumgartlinger, oo 29 jir ah, ayaa kaliya kusoo biiray kooxda Bayer Leverkusen xagaagii lasoo dhaafay markaasoo laga soo qaatay kooxda reer Austria ee Vienna.

macalin Mourinho ayaa doonaya inuu ka taqluso Bastian Schweinsteiger iyo Morgan Schneiderlin waxaana uu u arkaa Baumgartlinger oo heshiis afar sanno ah kula jira kooxda Leverkusen mid ku haboon kooxdiisa.

Leave a Reply

Your email address will not be published.