XASAASI: PSG Oo Loo Badinayo In Kulanka Arsenal Ay Weyn DOonto Xiddigooda Di Maria (SABAB???)

XASAASI: PSG Oo Loo Badinayo In Kulanka Arsenal Ay Weyn DOonto Xiddigooda Di Maria (SABAB???)

Wararka ka imaanaya Faransiiska ayaa sheegaya in Angel Di Maria uu seegi karo kulanka kooxdiisu ay u safri doonto Arsenal Champions League.

Laacibka ayaa ku dhaawacmay kulan kooxdiisu ay caawa 2-0 uga adkaatay kooxda Nantes ee horyaalka faransiiska, wuxuuna ahaa dhaliyihii goolka hore ee kooxda PSG.

Laakiin Angel Di Maria ayaan nasiib u helin inuu dhamaysto qaybtii hore ee ciyaarta kadib markii dhaawac dhanka muruqa ah uu uga baxay garoonka.

Xiddiga reer Argentina ayaa wajahaya baaritaano dheeraad ah si loo hubiyo dhaawiciisa, waxaana loo badinayaa inuu seegi doono kulanka adag ee arbacada ay laciyaari doonaan Arsenal.

Leave a Reply

Your email address will not be published.