Taliyaha ciidamada Jabuuti ee Baledweyne oo soo saaray Digniin aad u culus kadib markii uu..

Taliyaha ciidamada Jabuuti ee Baledweyne oo soo saaray Digniin aad u culus kadib markii uu..

Ciidanka Jabuuti ee qaybta ka ah Amisom islamaraakan jooga Magaalada Baledweyne ayaa beelo waayadan ku dagaallamayay magaalada iyo deegaannada hoostaga uga digay in dagaalkooda uu gudaha u galo magaalada Baladweyne.

Taliyaha Ciidanka Jabuuti  ee jooga Baladweyne Xasan Jaamac ayaa ku hanjabay in Ciidanka Jabuuti ay dagaal la gali doonaan Beel kasta oo Xabad ka ridda gudaha Magaalada Baledweyne.

Waxa uu uga digay maleeshiyo beeleedka isku heysta deegaannada hoostagga magaalada in ay gudaha magaalada ku dagaallamaan,waxaana uu farta ku fiiqay Malleeshiyooyinka fuula dhismayaasha dhaadheer ee halkaas xabadaha ka tuura.

Waxa uu sheegay Korneyl Xasan Jaamac in Ciidanka Jabuuti ee Amisom ay dumin doonaan dabaqii lala fuulo qori ee laga rido xabad,waxaana uu ugu baaqay in aysan magaalada isku galin dhinacyada is heysta.

Sidoo kale waxaa uu jaahilnimo ku tilmaamay dagaal beeleedka soo laabtay ee ka dhaca Gobolka Hiiraan,kaas oo dhowr jeer la isku dayay in la joojiyo hayeeshee lagu fashilmay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.