Faahfaahino dheeraad ah oo kasoo baxaaya weerar ismiidaamin ah oo goordhow Muqdisho ka dhacay

Faahfaahino dheeraad ah oo kasoo baxaaya weerar ismiidaamin ah oo goordhow Muqdisho ka dhacay

Saraakiisha Ciidamada Dowlada ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay Ruuxii waday Gaariga goordhow isku qarxiyay magaalada Muqdisho gaar ahaan Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir.

Advertisment

Gaariga ayaa isku qarxiyay Wadada Afasiyooni ee Degmada Waaberi waxaana ku dhintay ilaa 11 Ruux, halka ay ku dhaawacmeen 15 kale oo isugu jira Ciidamo iyo dad shacab ah.

Qaraxa inta uusan dhicin ka hor ayaa waxaa halkaasi maray Kolonyo gaadiid uu la socday Madaxweynaha.

Taliyaha Qeybta guud Booliska Gobolka Banaadir Bashiir Abshir ayaa sheegay in khasaaraha ka dhashay Qaraxa uu badnaan lahaa hadii gaarigaasi uu gaari lahaa halkii uu kusii Jeeday.

Ciidamada amaanka ayaa baaritaan ku haya ruuxa la qabtay ee gaariga Qarxay waday.

Leave a Reply

Your email address will not be published.