Maxaa kala soctaa sababta ka danbeysay in la hakiyo Doorashada ka socta Jowhar ??

Maxaa kala soctaa sababta ka danbeysay in la hakiyo Doorashada ka socta Jowhar ??

Waxaa maanta hakat ku imaaday Doorashada Aqalka Hoose ee ka soctay magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabelle.

Doorashada oo lagu waday in lagu doorto Seddex kursi ayaa hakat ku imaaday kadib markii la sheegay in Ergadii dooran laheyd Musharaxiinta aysan wali soo gaarin magaalada Jowhar.

Guddiga Doorashooyinka dadban ee heer maamul Goboleed Hirshabelle ayaa dhankooda ka sheegay in Doorashada maanta la filaayay ay dib u Dhacday.

Guddiga waxa uu sheegay inay aad uga xunyihiin in Doorashada ay u dib dhacdo Ergo la’aan, waxa ayna intaa ku dareen Guddiga in Doorashada ay dhici doonto goorta ay Ergadu soo wada xaroodan.

Doorashada ka socta Magaalada Jowhar ayaa waxaa inta badan lagu doortaa Xubno garab u ah Xasan Sheekh halka xubnaha kale lagu sameeyo musuq dhanka Ergooyinka ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.