Ururka OIC oo war cad kasoo saaray Abaaraha ku dhuftay Gobolada Somalia

Ururka OIC oo war cad kasoo saaray Abaaraha ku dhuftay Gobolada Somalia

Ururka Iskaashiga Waddamada Islaamka ee OIC,ayaa warbixin uu soo saaray ku sheegay in gurmad deg deg ah uu ka fulinayo Somaliya kadib markii aad looga deyriyay heerka abaarta ku dhufatay Waddanka Soomaaliya.

OIC,waxaa ay sheegtay in abaarta ka jirta Somaliya ay sababta ugu weyn tahay in 5 Sano Roob ku filan aysan helin Soomaaliya sidaasna ay ku timid abaarta hadda ay wajahayaan kumanaan Soomaali ah.

Xafiiska Horumarinta arrimaha dibadda ee OIC ee Soomaaliya ayaa sheegay in uu diyaar u yahay howlgalid deg deg ah isaga oo sidoo kale baaq u diray Waddamada xubnaha ka ah Ururka in ay kaalmo deg deg ah la soo gaaraan Soomaaliya.

OIC,ayaa sheegtay in 760,000 oo Qof ay rasmiyan u saameysay abaarta iyaga oo ku nool bartamaha iyo Waqooyiga dalka oo ah halka ugu daran ee ay ka jirto abaarta.

Leave a Reply

Your email address will not be published.