NATIIJOOYINKA: ROMA Oo Guul Ay U Baahneyd Ka Gaartey AC Milan, Xili……………………………………

M’Baye Niang ayaa ka qasaariyey Milan gool-kulaad loo dhigey kooxdiisa daqiiqadii 27-aad waxaana qeybta koowaad lagu kala tegey gool la’aan Roma 0-0 Milan, waxaana Roma ka dhaawacmay oo la bedelay Bruno Peres .

Labada koox waxay ku dagaalamayeen in Cidi u harto ceyrsiga Scudetto oo ay hogaamineyso Juventus. waxayna isku heysteen kaalinta 2-aad,Kevin Strootman ayaa ku guuleystay racfaan uu ka qaatay 2 kulan ganaax ahaa, wuuna dheelay,laakiin Francesco Totti, Mohamed Salah, Leandro Paredes iyo Alessandro Florenzi ayaa ka maqnaa Roma.

Kooxda martida ayaa dhankeeda waxay weysay oo kulankan ka maqnaa Giacomo Bonaventura, Carlos Bacca, Riccardo Montolivo, Davide Calabria iyo Ninka Ganaaxan ee Juraj Kucka.waxaaana fursad helay laacibkii hore ee-Roma Andrea Bertolacci oo Safka hore kasoo muuqdey tan iyo markii Uu Cajarka ka dhaawacmey bishiii August.

Milan ayaa keliya 1 guul ka gaartay 12-kii kulan ugu danbeeyey ee ay soo booqatay Stadio Olimpico dhamaan tartamada, waxaana guul ugu danbeeysay mar 3-2 ku badisey Bishii October 2011, Lix jeer bar baro ayey heshay halka Shanta jeer ee kale la garaacay.

Kulankan labada kooxood ayaa qeybta koowaad waxaa ciyaar wanaagsan soo bandhigtey Ac Milan weliba 30kii daqiiqado ugu danbeeysay qeybtaasi,hase yeeshee qeybta labaad ayaa kubadda lala qeybsadey, waxaana gool Cajiib ah u dhaliyey kooxda caasimadda daqiiqadii 62-aad Nainggolan kaasi oo dhexda kubad uu ka helay la dhaqaaqay kadib meel ka baxsan diilinta 18-ka kasoo toogtey laad lugta bidix, oo uu awoodi waayey goolhayaha muqtaqbalka ee xulka Italy Donnarumma.

Hadda Roma waxay ku keli ahaatay kursiga labaad iyagoo Leh 35-dhibic waxay 4 dhibic ka hooseeyaan Hogaamiyaasha Juventus oo leh 39-dhibic Milan saddexaad 32-dhibic ayey joogtaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published.