Muxuu Odawaa ka damacsan yahay diidmada Maqaamka Gobolka Banaadir

Muxuu Odawaa ka damacsan yahay diidmada Maqaamka Gobolka Banaadir

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa, ayaa is hortaagay Maqaamka Gobolka Banaadir kadib kulan ay wada qaaten isaga iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Sheekh Yuusuf Jimcaale.

Odawaa ayaa diiday in Gobolka Banaadir lasiiyo Maqaam gaara, waxa uuna ku dooday in Magaalada Muqdisho ay dhextaal u tahay guud ahaan Umadda Soomaaliyeed.

Odawaa oo kamid ahaa Guddiga dardar galinta qorshooyinka lagu soo nooleynaayo Maqaamka ayaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Sheekh Yuusuf Jimcaale u cadeeyay in shaqsi ahaantiisa uu banaan joog ka yahay Guddiga, waxa uuna cod dheer ku sheegay inuu kasoo horjeedo go’aanka Gobolka Banaadir lagu gaarsiinaayo maqaamka gaarka ah.

Sheekh Yuusuf oo markii hore rajo ka qabay dib ula soo laabashada Maqaamka Gobolka ayaa waxaa iminka lasoo daristay rajo xumi.

Sheekh Yuusuf oo talaabadaasi ka carooday ayaa horay usii watay qorshaha lagu dardar galinaayo dib usoo nooleynta Maqaamka waxa uuna Guddoomiyuhu go’aan ku gaaray in Masiirka Shacabka Gobolka Banaadir uu gaarsiin doono halka ay tabartiisu tahay.

Dowlada Somalia wali go’aan kama gaarin Maqaamka Gobolka Banaadir, waxaana jira culeysyo ka imaanaya dhanka Beesha Caalamka iyo Maamulada dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.