Diyaarad ay saarnaayeen Ciidan,wariyeyaal iyo Fanaaniin oo burburtay

Diyaarad ay saarnaayeen Ciidan,wariyeyaal iyo Fanaaniin oo burburtay

Diyaaradii Millateri ee laga lahaa dalka Ruushka, ayaa la sheegay inay ku bur burtay meel ku dhaw Biyaha madow, sida ay sheegtay Wasaarada Difaaca dalka Ruushka.

Diyaarada ayaa qadkeeda la waayay, 20-daqiiqo kadib, markii ay ka duushay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Sochi.

Wasaarada Difaaca dalka Ruushka, ayaa shaacisay Diyaarada inay ku sii jeeday Gobolka Latakia ee dalka Syria, waxaana saarnaa Ciidan iyo Fanaaniin iyo Wariyeyaal.

Wasaarada Difaaca war kooban oo ka soo baxay ayaa lagu sheegay “jajabka diyaarada Tu-154 ayaa laga helay meel 1.5 Km ama Hal Mile u jirta xeebta badda badow ee magaalada Sochi.”sidaasi ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay wasaarada difaaca.

Ciidanka iyo Dadkii kale ee la socday ayaa ujeedkooda wuxuu ahaa inay Xaflada sanadka cusub ku dhigtaan Gobolka Latakia ee dalka Syria oo ciidan Ruushka ka tirsan ay ku sugan yihiin.

Wasaarada Difaaca dalka Ruushka ma aysan shaacin in dhamaan dadkii saarnaa diyaarada ay wada geeriyoodeen iyo in la soo badbaadiyay intaba.

Leave a Reply

Your email address will not be published.