Musharaxiinta u tartameysa Gudoomiyaha Baarlamaanka oo is diiwaan galinaaya

Musharaxiinta u tartameysa Gudoomiyaha Baarlamaanka oo is diiwaan galinaaya

Musharaxiinta loolanka ugu jira qabashada xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka, Guddoomiye Ku Xigeenka Koowaad iyo Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad, ayaa ku qulqulaaya Xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho.

Musharaxiintaani ayaa iska diiwaan galineysa xarunta kadib markii Guddoomiyaha Guddiga qaban qaabada doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka uu ku dhawaaqay in maanta oo Talaado ah Taariikhduna ay ku beegan tahay 03 Janaayo ay bilaabaneyso is diiwaan galinta.

Degdega Musharaxiinta ku qulquleysa Xarunta ayaa timid kadib markii lagu dhiiri galiyay inay ka faa’iideystaan wakhtiga diiwaan galinta oo ku eg ilaa 5 Bisha Janaayo oo ku beegan maalinta Khamiista.

Musharaxiinta saaka ku qulqulaaya Xarunta Golaha Shacabka ayaa waxaa ku jira Siyaasiyiin caan ah kuwaasi oo dhowrkii sano ee ugu danbeeyay ka tirsanaa Baarlamaanka.

Musharaxiinta qaar ayaa waxaa kala wata Madaxweynaha Somalia, Hogaamiyaha Koonfur Galbeed iyo Hogaamiyaha Puntland.

Docda kale, Xubnaha howshaasi loo xilsaaray oo leysku yiraahdo Guddiga qaban qaabada doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ku Xigeenadisa ayaa waxa ay ka kooban yihiin 15 Xubnood oo uu hogaaminaayo Xildhibaan C/raxmaan Ducaale Bayle.

Leave a Reply

Your email address will not be published.