NATIIJOOYINKA: Inter Milan Oo Guul Muhiim u Aheyd Ka Gaartey Udinesse, Iyadoona………………………

NATIIJOOYINKA: Inter Milan Oo Guul Muhiim u Aheyd Ka Gaartey Udinesse, Iyadoona………………………

Kooxda Inter Milan ayaa guul muhiim ah ku bilowday sanadka cusub ee 2017-da kadib markii ay guul soo laabasho leh ka gaartay naadiga Udinese.

Daqiiqadii 17-aad ee ciyaarta kooxda Udinese ayaa hogaanka uqabatay ciyaarta kadib markii Jakub Jankto uu udhaliyay uu caawintiisa lahaa Samir.

Hase ahaatee Inter Milan ayaa ku dadaashay iney hesho goolka bar bardhaca, waxaana daqiiqadihii dhimashada ee qeybtii hore ee ciyaarta goolka bar bardhaca ah udhaliyay Ivan Peresic, kubadaas waxaa si wanagsan ucaawiyay Mauro Icardi, ciyaarta ayaana lagu kala nastay 1-1

Markii dib la isugu soo laabtay kooxda Inter Milan ayaa abuurtay fursado badan, ugu danbeyna waxaa ay heshay goolkii guusha waxaana daqiiqadii 87-aad udhaliyay mar kale Ivan Perisic kadib baas uu ka helay xidiga reer Portugal ee Joao Mario.

Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 1-2 oo ay guusha ku raacday naadiga Inter Milan taas oo soo hiigsatay kaalmaha hore ee Horyaalka.

Inter ayaa haatan ku jirta kaalinta shanaad ee kala horeynta horyaalka waxaana ay hiigsaneysaa iney udagaalanto booska loogu soo baxo Champions League-ka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.