DAAWO SAWIRADA: Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka oo si toosa uga socto Muqdisho

DAAWO SAWIRADA: Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka oo si toosa uga socto Muqdisho
Advertisment

Magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunta Golaha shacabka waxaa hada ka bilaabatay Doorashada Guddooomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa maanta si weyn loo adkeeyay, gaar ahaan xarunta ay ka dhaceyso Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka 10-aad ee Soomaaliya.

Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxa ay kala yihiin Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari), C/fitaax Ibraahim Geeseey, Idiris Cabdi Dhaqkhtar iyo C/rashiid Maxamed Xidig.

Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya ayaa codeynaya, iyadoo Guddiga ay sheegeen in Doorashada Guddoonka Baarlamaanka ay tahay saddex Wareeg.

Wareega ugu dambeeya ayaa lagu kala bixi doonaa cod hal dheeri ah, labada Musharax ee ugu dambeysa.

Leave a Reply

Your email address will not be published.