Maxaa kusoo kordhay qaliinka Wadnaha looga sameeyay Ra’isul wasaaraha Talyaaniga??

Maxaa kusoo kordhay qaliinka Wadnaha looga sameeyay Ra’isul wasaaraha Talyaaniga??
Advertisment

Ra’isul-wasaare Paolo Gentiloni oo 63-jir ah ayaa waxaa la dhigay Gemelli hospital ee magaalladda Rome, waxaana  lagu sameeyey Qaliin dhinaca Wadnaha.

Afhayeenadda Ra’isul-wasaaraha oo lagu magacaabo Falamiinia Lais ayaa sheegtay in lagu guuleystay qaliinkaasi, iyadoo ay Dhakhaatiirta qaliin ku sameeyeen Halbowlayaasha xirmay ee dhiigga siiya Wadnaha.

Ra’isul-wasaaraha Talyaaniga oo Xilkaasi loo dhiibay bishii hore ayaa la sheegay inuu dareemay Wadno-xanuun, kadib, markii uu shalay ka soo laabtay Booqasho uu ku tegay Caasimadda dalka Faransiiska ee Paris.

Leave a Reply

Your email address will not be published.