SUUQA: Kooxda Manchester United Oo Kooxaha Real Madrid, Barcelona iyo City Ku Garaaceysa Saxiixa Daybale, Iyadoona……………..

SUUQA: Kooxda Manchester United Oo Kooxaha Real Madrid, Barcelona iyo City Ku Garaaceysa Saxiixa Daybale, Iyadoona……………..

Kooxda Manchester United ayaa isha ku haysa iney lasoo saxiixato weeraryahanka naadiga Juventus Daybala kaas oo la fahansan yahay inuu lacag rikoor ah suuqa uyaalo.

Macalin Jose Mourinho ayaa si weyn udoonaya saxiixa xidigan da’yarka ah ee qaranka Argentine, kaas oo leh astaamaha L.Messi-ga Barcelona.

Hase ahaatee United ayaa loolan xoogan kala kulmeysa naadiga ay isku magaalada ka dhisan yihiin ee Man City taas oo dhankeeda qiimeyneysa saxixia Paulo Dybala.

Warar kale oo lagu daabacay Saxaafada Ingiriiska ayaa sheegaya in Juventus ay wadahadal la yeelatay kooxaha reer Spain ee Barcelona iyo Real Madrid.
Hadii Dybala uu ka tagayo Juventus,waxaa la aamisan yahay in lagu heli karo lacag ku dhow 70 Milyan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.