Maxaa kusoo kordhay Cabsida iyo Walaaca Xildhibaanada Galmudug

Maxaa kusoo kordhay Cabsida iyo Walaaca Xildhibaanada Galmudug

Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ee maalmo ka hor sheegay inay xilkii ka qaadeen C/kariin Xuseen Guuleed, ayaa sheegay in amnigooda uu Qatar ku jiro.

Xildhibaanadan ayaa sheegay inay dareemayaan cabsi la xiriirta Qatar dhanka ammaanka ah, kadib markii shalay xarun ay ku shirayeen ciidamada Nabad Suggida Galmudug ay carqaladeeyeen.

Qaar ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ayaa Saxaafadda ka qeylo dhaamiyay iyaga oo sheegay qatarta amni ay dareemayaan inay sabab u tahay xilkii ay ka qaadeen C/kariin Guuleed.

Waxa ay sheegeen Xildhibaanada Galmudug go’aankii ay Guuleed xilka uga qaadeen inuu weli yahay sidiisi, islamarkaana uusan wax iska bedelin.

C/kariin Xuseen Guuleed ayaa dhankiisa ka soo horjeeda go’aankaasi, wuxuuna xilkii ka qaaday Wasiirkii Arimaha Gudaha oo taageeray go’aanka Xildhibaanada.

Galmudug ayaa xilligaan waxaa ka taagan buuq siyaasadeed oo aanan la ogeyn waxa xal u noqon doona.

Leave a Reply

Your email address will not be published.