FALANQEYNTA Kulanka Xiisaha Badan Ee Kooxaha Chelsea Vs Hull City (Maxaa Kulankan Laga SOo Calaamadiyey???)

FALANQEYNTA Kulanka Xiisaha Badan Ee Kooxaha Chelsea Vs Hull City (Maxaa Kulankan Laga SOo Calaamadiyey???)

Kooxda Chelsea ayaa garoonkeeda kusoo dhaweyn doonta naadiga Hull City, waxaana ay dooneysaa iney sii dheereysato hogaanka kadib guuldaradii soo gaartay Liverpool.

Macallin Conte ayaa shax adag kala hortagi doona kooxdan iyadoo D.Costa uu kusoo laaban doono inuu kulankan ciyaaro kadib markii uu seegay ciyaartii Leicester ee todobaadkii hore.

Kulanka: Chelsea Vs Hull City

Waqtiga> AXAD 7:30 Xiliga geeska Afrika

Garoonka: Stamford Bridge

Halkee ka daawan doontaa Sky Sports 1 – Natiijada ciyaarta kala soco Laacibiin.com

Garsooraha: Neil Swarbrick

MAXAA KA CUSUB LABADA KOOX

Weeraryahnaka Chelsea Diego Costa ayaa diyaar u ah kulankan kadib markii uu seegay kulankii ugu danbeeyay ee Leicester City iyadoo lala xariirinayay horyaalka China.

Kabtan John Terry ayaa kulankan diyaar u ah Chelsea kadib markii uu soo dhameystay hal kulan oo ganaax ah.

Gooldhaliyaha Hull Robert Snodgrass ayaa la filaya inuu dhaawac muruqa ah kulankan ku seego laakiin David Meyler ayaa kusoo laabtay tababarka waxaana uu noqon doonaa diyaar, sidoo kale daafaca midig ee Omar Elabdellaoui oo amaah kooxda ku yimid, Oumar Niasse iyo Evandro ayaa heli kara iney kulankan ciyaaraan.

XOGTA KULANKAN

Kulamada ay iska hor yimaadeen

Kooxda Chelsea ayaan wax guul daro ah kala kulmin Hull kulamada hoyaalka waxaana ay ka badiyeen 7 mar halka ay labo kulan bar bardhac galeen.
Kooxda Blues ayaa sidoo kale baadi goobeysa iney guushoodii lixaad oo xariir ah ka gaaraan naadiga libaaxyada ee Hull City
RIkoorada ugaarka ah Chelsea

Chelsea ayaa guuleysatya 14 kamid ah 15-kii kulan ee ugu danbeeyay horyaalka.
Waxaa ay isha ku hayaan in guushoodii sideedaad oo xariir ah ay ku gaaraan garoonkooda Stamford Bridge.
Kooxda Blues ayaanan wax gool ah laga dhalin 12 kulan oo horyaalka xili ciyaareedkan ah, mana jirto koox Shanta horyaal oo ugu sareysa Yurub ka ciyaarta oo shabaqeeda sidaas u ilaalsatay
Diego Costa ayaa dhaliyay sedexdii kulan ee ugu danbeysay ee uu ka hortagay kooxda hull City sidoo kale waxaa uu caawiye ka ahaa labo gool.
Eden Hazard auaa isna sedex gool dhaliyay afartii kulan ee ugu danbeysay ee uu ka hortagay naadigan Hull City.
RIKOORADA GAARKA U AH Hull City

Hull ayaa heshay guusheedii ugu horeysay toban kulan kadib todobaadkii hore markaas oo ay kasoo badiyeen Bournemouth
Waxaa laga badiyay sideedii kulan ee ugu danbeeyay ee ay banaanka kusoo ciyaaraan sagaal guuldaro oo xariir ah oo soo gaartana waxaa ay noqoneysaa rikoorkoodii ugu xumaa tan iyo 11-kii December 1997 ilaa April 1998
Hull ayaanan sidoo kale shabaqeeda ilaashan weysay 19-kii kulan ee ugu danbeeyay ee horyaalka Ingiriiska ah.
Waxaa sidoo kale kooxdan laga dhaliyay 10 rigoore, kaliya Blackburn, oo 11 rigoore laga dhaliyay 2006-07, ayaana ka badan horyaalka Ingiriiska taariikhda.
SAADAASHA LAWRO

Koxda libaaxyada ee Hull ayaa badiyay labo kamid ah sedexdii kulan ee ugu danbeysay laakiin waxaa ku adkaan doonta iney guul kasoo hooyaan Stamford Bridge.

SAADAASHA LAWRA AYAANA AH : 3-0 oo ay Chelsea ku badin doonto

Leave a Reply

Your email address will not be published.