XASAASI: Cannavaro Oo Ka Hadley Cida Uu Taageerayo Kooxihiisi Hore Ee napoli Iyo Real Madrid

XASAASI: Cannavaro Oo Ka Hadley Cida Uu Taageerayo Kooxihiisi Hore Ee napoli Iyo Real Madrid

Kabtankii Xulka Talyaaniga u qaaday Koobka Aduunka 2006 Fabio Cannavaro oo sidoo kalana u dheeley kooxaha Real Madrid iyo Napoli ayaa kala Cadeeyey Naadiga uu Guusha ladoonayo marka ay dheelayaan labada Luguud ee wareega 16 ka koobka Champions League.

Fabio Cannavaro oo hada ah Macalinka Naadiga dalka Shiinaha ah ayaa sheegay in Kooxda Napoli uu ladoonayo in ay Guul kagaaraan labada Kulan ee Real Madrid in kasta oo uu koox adag ku tilmaamay Naadiga dalka Spain.

Daafacaan dalka Talyaaniga ee Fabio Cannavaro ayaa ku soo bar baaray Naadiga Napoli waxa uuna ku dhashay Magaaladaas isaga iyo walaakiiba waxa ay u soo dheeleen Kooxda Napoli intii aysan aadin kooxo kale oo ay Guulo lagaareen.

Leave a Reply

Your email address will not be published.