SUUQA: Koox Reer England Oo Diyaar U Ah Soo Qaadashadda Willian, Iyadoona……………………….

Weeraryahanka Kooxda Chelsea ayaa lala xeriirinayaa inuu u dhaqaaqo kooxda Manchester United xili ciyaareydka soo aadan markii uu suuqa kala iibsiga furmo.

Xidigan reer Brazil ayaa ayaa nasiino qaatay xili ciyaareydkan ka dib marki laga doorbiday in booska koowaad uu noqdo xidiga reer Spain ee Pedro waxana xusdi mudan in kulankii ay 3-1 uga adkaatay Chelsea kooxda arsenal In uu kursiga keedka kusoo bilaawday.

28-sano jirkan ayaa boos joogta ah ka heli jiray hogaamiyihi hore kooxda Chelsea Jose Mourinho labo sano ka hor kasoo 35-kulan saftay xili ciyaaredkii ayq aadeen horyaalka Premier League.

Sidoo kale Maamulaha haatan leeliya kooxda United Jose Mourinho ayaa ar tilmaameed ka dhiganaya weeraryahanka reer Brazil iyo kooxda Chelsea ee Willian kaasoo oo doonayo inuu ka ciyaarsiiyo garoobka Old Trafford, sidoo kale wuxuu wada hadalo kula jira xidigan macalin Jose Mourinho.

“Haa wey jiraan waydiimo ku aadan kooxda Manchester United, sababtoo ah waxaa halkaas ku sugan Jose Mourinho” Ayuu u sheegay Willian Majalda Globo Esporte.

“Ma garanaayo kooxaha kale balse waxaa jira waxyaabo kale oo soo aadan. Waan ku faraxsanahay kooxaha aan dalabyada aan ka helayo si aan ugu shaqeeyo kooxaha”ayuu kusii daray Willian.

Willian ayaa saaxiib dhaw la ahaa xidiga ay isku xulka yihiin ee Ramires kaasoo ku biiray horyaalka Dalka China xagaagi lasoo dhaafay balse xidigan ayaa la hubin In uu ka daba tagi karo xiidga ay isku xulka yihiin Ee Ramires.

Wuxu kusii daray hadalkiisa “ Ma garanaayo inaan ka dhaqaaqi doono iyo in kale, waxaan dhahayo waxeytahay waan ku faraxsanahy kooxda Chlesea, aad baan ugu damaashaada kooxdan sida gurigayga oo kale”.

Leave a Reply

Your email address will not be published.