FALANQEYNTA Kulanka Xiisaha Badan Ee Kooxaha Liverpool Vs Tottenham (Maxaa Kulankan Laga Soo Calaamadiyey???)

FALANQEYNTA Kulanka Xiisaha Badan Ee Kooxaha Liverpool Vs Tottenham (Maxaa Kulankan Laga Soo Calaamadiyey???)

Liverpool ayaa raadineysa guusheedii ugu horeysay kulamada horyaalka Ingiriiska sanadka 2017, waxeyna maanta martigalin doontaa Tottenham Hotspur, waxeyna labadaan kooxood mid walbaahi isha ku heysaa iney ku dhameysato afarta ugu sareysa.

Reds kaliya hal guul ayey gaartay dhamaan tartamada oo dhan sanadkaan 2017 waxeyna guushaas ka heleen Plymouth kulan ka tirsan wareega sadexaad ee koobka FA Cup.

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Liverpool vs Tottenham Hotspur

Tartanka: Premier League

Garoonka: Anfield Road

Saacadda: 8:30 Fiidnimo (XGA)

Garsoore: Anthony Taylor (England)

MAXAA KA CUSUB LABADA KOOXOOD?

Klopp ayaa rajeynaya inuu helo kulankaan Lallana kaas oo aan ka qeyb galin tababarka labadii maalin ee ugu dambeysay madama uu dhaawac ku cusboonaaday, sidoo kalana Klavan ayaa xanuun ku seegi kara halka aan la ogeyn cidda uu u dooran doono goolka.

Dhanka kale Spurs waxaa ka maqan daafacyadeeda Danny Rose iyo Jan Vertonghen taasoo la micno ah iney daafaca ciyaari doonaan Ben Davies iyo Eric Dier.

Lamela ayaa wali xanuunsanaya, balse Kieran Trippier ayaa diyaar u ah inuu Liverpool ka hortago.

XAQIIQADA KULANKA:

Liverpool waxey heysataa rikoor ah ineysan sideed kulan guuldaro ka arkin Spurs kulamada horyaalka 5-guul iyo 3-barbaro, markii ugu dambeysay oo aysan 9-kulan guuldaro ka arkin waxey aheyd March 1998.

Spurs ayaa lumisay 15 ka mid ah 24-kulan oo ay kulamada horyaalka booqatay ANfield, 2-guul iyo 7-barbaro, kaliya Stmaford Bridge (15) iyo Old Trafford (20) ayey guuldarooyin ka badan kusoo heshay.

Pochettino waligiis ma garaacin Liverpool isagoo tababare u ah Spurs, 3-barbaro iyo 3-guuldaro, waxaana ku jirta guuldaradii ay kala kulantay League Cup wareegiisa 4-aad bilowgii xiili ciyaareedka. Si kastaba marka uu Saint tababare u ahaa wuxuu ka helay 2-jeer, sadex kulan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.