XASAASI: Macalin Mourinho Oo Dhanka Kale Ka Hadley Xaalada Luke Shaw, Isagoona……………

XASAASI: Macalin Mourinho Oo Dhanka Kale Ka Hadley Xaalada Luke Shaw, Isagoona……………

Jose Mourinho ayaa sheegay iney hubaal tahay in Luke Shaw uu sii joogi doono Manchester United, isagoo intaa ku daray da’yarka xulka qaranka England uu ka shaqeynayo sidii uu dib uga soo laaban lahaa dhaawac aad u xun oo soo gaaray,

21 Jirkaan ayaa ka jabay labo meel oo lugtiisa ah wuxuuna waqti badna ku qaatay qolka daawada kooxdiisa, wuxuuna intaa kadib ku fashilmay inuu qanciyo macalinkiisa si loogu aamino booska daafaca bidix ee kooxda United.

Mourinho ayaa ka hor kulanka United ee FA Cup wareegiisa shanaad ee ay la ciyaarayaan Blackburn Rovers yiri: “Waxaa soo maray dhaawac oo aad u xun, xaqiiqdii aad iyo aad u xun, ma uusan u geysan dhibaato jireed kaliya ee wuxuu u sameeyay maskaxiyan”.

“Xili ciyaareedkaan dhowr jeer ayuu dhaawacmay sidaasi darteed wuxuu u baahan yahay inuu dib ula qabsado kubada, wuu og yahay waxa aan ka rabo daafac, wuu og yahay inaan jeclahay xasiloonida, inaana jecleyn qaladaadka badan, taas ayaa sabab u ah inaan aamino ciyaariyahan, marka waa inuu aad u shaqeeyaa”.

“Markuu garoonka soo galaa waa inuu ii muujiyaa waxa aan ka doonayo, waqti ayeey qaadaneysaa laakin talaaba tan xigto waa inuu qaadaa sababtoo ah wali waa canug yar, mararka qaar dadka waa ay iloobaan inuu yahay kaliya canug yar oo u baahan inuu wali wax badan barto”.

Jose ayaa markaasi kadib ka hadlay mustaqbalka xidigaan wuxuuna xaqiijiyay inuu sii joogi doono United wuxuuna yiri“Waa hubaal halkaan ayuu sii joogi doonaa, taas is weydiin malahan”.

Leave a Reply

Your email address will not be published.