XASAASI: Macalin Guardiola Oo Dhinaciisa Ka Difaacey Wenger, Isagoona…………………….

Manchester City Macalinkeeda Pep Guardiola ayaa si caro leh uga hadlay xushmad la’aanta loo muujiyay Arsene Wenger maalmahii ugu dambeeyay sidoo kalana qiray iney tahay wax aan la aqbali karin.

Wenger ayaa dhaleeceyn middii ugu xumeyd la kulmay kadib ciyaartii ay kooxdiisa qasaaraha kala kulantay Bayern Munich kulan ka tirsan Champions League markaas oo lagu dilay 5-1, balse Guardiola kuma faraxsana sida loola dhaqmay rug-cadaaga reer France

“Waxaan maqlayo 10-kii maalmood ee lasoo dhaafay ee ku saabsan sida ay dadka, ciyaartoydii hore iyo saxaafadda ula dhaqmayaan Arsene Wenger waa wax aan la qabali karin” ayuu yiri Pep Guardiola mar la weydiiyay hadii uu dooranayo shax adag kulankii gool la’aanta kusoo dhamaaday ee Huddersfield Town.

“Shaqadeena, waqtigaas ma lahan wax xushmad ah oo kaga imaaneysa dhinac walba, sidaas darteed waa xushmad darro waxa dhacaya” Ayuu mar kale si caro leh u yiri Pep.

“Taasina waa sababta aan go’aanada u qaadano waxaadna dhihi kartaa wax walba oo aad dooneyso”

Ugu dambeyntii Pep Guardiola habeen dambe ayey kooxdiisa ciyaari doontaa tartanka Champions League inkastoo 28-ka ay la ciyaari doonto Huddersfield Town lugtii labaad ee FA Cup-ka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.