Sheekh Shariif oo Madaxweyne Farmaajo uga eryeeyay Axmed Madoobe

Sheekh Shariif oo Madaxweyne Farmaajo uga eryeeyay Axmed Madoobe

Waxaa magaalada Muqdisho kulan khaasa ku yeeshay Madaxweynihii hore ee Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Hogaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe.

Kulanka labada Mas’uul ayaa waxaa looga wadahadlay arrimo la xiriira Dowlada cusub, kadib markii isbedel Siyaasadeed uu ku imaaday dalka.

Kulanka labada Mas’uul ayaa qaatay ku dhawaad laba saac oo xiriir ah, waxa uuna Madaxweynihii hore uu Axmed Madoobe ka dalbaday wadashaqeyn dhexmarta DFS iyo Jubbaland.

Sheekh Shariif ayaa la sheegay in dhinacyo badan uu Axmed Madoobe ka tusay Siyaasada cusub, wuxuuna ka codsaday in maamulka Jubbaland uusan khilaaf kala hor imaan Madaxweynaha la doortay Maxamed C/llahi Farmaajo.

Sheekh Shariif ayaa Axmed Madoobe usoo bandhigay qorshooyin dhowr ah oo Dowlada cusub ay ka damacsan tahay maamul Goboleedyada dalka si looga gudbo calaaqaadka ku jira mugdiga ee ka dhexeeya maamulada iyo in si dhow loola shaqeeyo Madaxweynaha cusub.

Sheekh Shariif ayaa sidoo kale, Axmed Madoobe u sheegay in farqi badan uu u dhexeyn doono Maamulka cusub iyo kuwii hore, waxa uuna si kaftan ah ugu sheegay in shaqsi ahaantiisa uu si dhow ula shaqeyn doono Madaxweynaha cusub oo ay isaga dhow yihiin kuwii hore.

Axmed Madoobe oo ah Jaal aad isugu dhow yihii Sheekh Shariif isla markaana kawada tirsanaayen Siyaasiyiintii halganka ka soo islaamay Ururadda Islaamiga ee Hubeysan ee dalka, ayaa soo dhaweeyay dalabka Sheekh Shariif.

Kulanka Sheekh Shariif iyo Axmed Madoobe ayaa sidoo kale la sheegay inuu ahaa mid uu ka danbeeyay Madaxweynaha la doortay Maxamed C/llahi Farmaajo maadaama Madoobe uu ka didsan yahay Dowlada cusub.

Dhinaca kale, waxaa lagu wadaa in Sheekh Shariif uu wada kulansiin doono Madaxweynaha JFS iyo Axmed Madoobe si looga wadahadlo wadashaqeyn dhexmarta labada dhinac.

Leave a Reply

Your email address will not be published.