FALANQEYNTA Kulanka Xiisaha Badan Ee Kooxaha Saint-Etienne vs Man United (maxaa Kulankan Laga Soo Calaamadiyey???)

FALANQEYNTA Kulanka Xiisaha Badan Ee Kooxaha Saint-Etienne vs Man United (maxaa Kulankan Laga Soo Calaamadiyey???)

Ander Herrera ayaa seegaya kulanka caawa ee lugta labaad wareega 32-aad ee koobka UEFA Europa League madama uu ganaaxan yahay, sidoo kalana waa u faa’iido Jose Mourinho madama uu xidigaan taam buuxa u noqoayo kulanka finalka EFL Cup-ka ee isbuuca soo aadan.

Jose Mourinho iyo wiilashiisu waxey u safreen France iyagoo heysta faa’iido ah iney 3-0 kusoo adkaadeen kulankii ka dhacay garoonka Old Trafford khamiistii tagtay.

Micheal Carrick iyo Bastian Schweinsteiger midkood ayaa buuxin doona booska Ander Herrera, waxaana la filayaa in Jose uu soo doorto shax isku dheeli tiran.

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Saint-Etienne vs Manchester United

Tartanka: UEFA Europa League (32th)

Lugta Labaad

Garoonka: Stade Geoffroy Guichard

Saacadda: 8:00 Fiidnimo (XGA)

MAXAA KA CUSUB LABADA KOOXOOD?
Wayne Rooney, Phil Jones iyo Herrera ayaa seegi doona kulankaan kuwaas oo siyaabo kala duwan uga maqan kooxdooda, Wayne (Muruqa) Jones (Cagta). halka Herrera uu ganaaxan yahay.

Matteo darmian ayaan ka mid noqonin liiska ciyaartoyda u safartay France, balse Luke Shaw ayaa la filayaa inuu kusoo bilowdo.

XAQIIQADA KULANKA:

Saint-Etienne ayaa lumisay shan ka mid ah lixdii kulan ee ugu dambeysay oo ay wajahdo kooxo ka socda Ingiriiska tartamada yurub (1-barbaro) ayeyna ka heshay, waxaa laga dhalinayay sadex ama in ka badan sadexdii kulan ee ugu dambeysay.

United ayaa gudubtay 18-ka mid ah 19-kii bug bax ee ugu dambeeyay oo ay ciyaartoy tartamada yurub.

Zlatan Ibrahimovic kooxda uu goolasha ugu badan ka dhaliyay waayahiisa waa Saint-Etienne mana jirto koox uu ka dhaliyay ka badan waayahiisa (17-gool).

Leave a Reply

Your email address will not be published.