Dowlada Britain oo Tababar aan caadi aheyn siin doonta Ciidamada Booliska Somalia

Dowlada Britain oo Tababar aan caadi aheyn siin doonta Ciidamada Booliska Somalia

Warbixin kooban oo kasoo baxay Xafiiska Arrimaha Dibedda dalka Britain, ayaa waxaa lagu sheegay in Dowlada Britain ay kireysay Shirkad ka shaqeysa howlaha amaanka oo gaar loo leeyahay.

Warbixinta ayaa waxaa lagu sheegay in Shirkadaasi ay Tababar dhanka Argagixisa la dirirka ah siin doonto Ciidamada Somalia, gaar ahaan Booliska.

Waxaa lagu sheegay Warbixinta in Shirkadaasi ay Heshiis gaara la gashay Britain si loo dadajiyo tababarka Ciidamada sida gaarka ah ula dagaalami doona Al-qaacidada Somalia ee Al-shabaab.

Warbixinta ayaa waxaa lagu yiri ”Britain waxa ay daneyneysaa kordhinta khibrada Ciidamada Somalia, waxa ay Ciidamadaani qaadan doonaan Tababar dhanka Argagixisa la dirirka ah”

Waxa ay warbixintu intaa kusii dareysaa ”Ciidamadaani waxa ay heli doonaan tababar ku filan oo Somalia uga saarikaraan Kooxaha nabadidka ah ee dagaalka kula jira Dowlada”

Geesta kale, Dowlada Britain ayaa kordhin doonta Saraakiisha ka jooga Somalia, si ay garab ugu noqdaan Ciidamada Qaranka Somalia.

Leave a Reply

Your email address will not be published.