OGOW: Qanaaska Tottenham Della Alli Oo Ganaax Qoorta Loo Surey, Isagoona……………………….

OGOW: Qanaaska Tottenham Della Alli Oo Ganaax Qoorta Loo Surey, Isagoona……………………….

Kooxda reer Belgium ee Gent ayaa tartanka Europa league ka saartay naadiga magaca weyn ee Tottenham, kaddib markii ay barbar dhac 2-2 ah ku dhamaatay ciyaar ku dhex martay garoonka Wembley, laakiin natiijadu noqotay 3-1 ay ku hadhay Tottenham maadaama ciyaartii hore ee waddanka Belgium ka dhacday ay Gent ku badisay 1-0.

Tottenham ayaa kaadhka cas laga siiiyey qaybtii hore iyadoo ciyaartu maraysa 1-0 uu goolka u saxeexay Tottenham laacibka khadka dhexe ee Christian Eriksen, waxaana kaadhkaas afka laga geliyey Dele Alli oo khalad xun ku galay ciyaartoy ka tirsan Gent.

Kooxda martida ahayd ee Gent ayaa goolka barbar dhaca heshay, kaas oo uu madax iskaga dhaliyey weeraryahanka Tottenham ee Harry Kane, waxaana garoonka oo ay fadhiyeen 80,465 taageereyaal ah oo intooda badan ay Ingiriis ahaayeen ay ku dhamaatay niyad jab markii qaybta dambe uu Spurs gool labaad u dhaliyey ciyaartoyga u dhashay waddanka Kenya ee Victor Wanyama balse Jeremy Perbet oo beddel ugu soo galay Gent ayaa goolka barbar dhaca u dhaliyey kooxdiisa.

Gent waxay iska xaadirisay wareegga 16-ka, waxaase niyad jab ay u ahayd Tottenham kuwaas oo guul-darrada ay u raacaysay casaanka Alli oo noqday ciyaartoygii koowaad ee kaadh cas ka qaatay Tottenham 93-kii kulan ee u dambeeyey, waxaana ugu dambaysay casaan toos ah oo la siiyo ciyaartoy Spurs ka tirsan kulan bishii May 2015 ay is haleeleen Stoke City, markaas oo casaan la siiiyey Vlad Chiriches.

Warar hor dhac ah ayaa sheegaya in khaladka halista ah ee uu Alli kula kacay ciyaartoyga Gent in uu ku mutaysan karo ganaax wakhti dheer ah oo laga saaro ciyaaraha Yurub.

Leave a Reply

Your email address will not be published.