Warbaahinta spain oo qoorta isku galisay Ronaldo & Ramos

Warbaahinta spain oo qoorta isku galisay Ronaldo & Ramos

Kabtanka Real Madrid Sergio Ramos ayaa inkiray inuu wax ka sheegay hab dhaqanka Ronaldo ee garoonka iyo inuu ku sheegay xidig si fudud ugu lugeeya garoonka dhexdiisa.

Daafaaan dhexe ayaa la sheegay inuu u waramay warbaahinta qaar isagoo sheegay in Ronaldo uu yahay ciyaariyahanka kaliya ee aan waajibka isku saarin inuu ordo marka lagu jiro kulamada kooxda.

Balse isagoo hadlaya kadib guushii Eibar, Sergio Ramos wuxuu qiray iney tahay arin aan sal iyo raad laheyn isla markaana uusan sidaas u hadlin.

“Maahan run, waa inaad wargeliso naftaada. fiiri cadeymaha oo runta sheeg, waxaan is aragnay waqtigii nasashada kulankii las Palmas, wixii aan ka wada hadalnay halkaas ugama tagin, waana ku faraxsanahay taasi” ayuu yiri Sergio Ramos.

“Maalintii kale ma dhihin Cristinao kuma qasbana inuu ordo, waxaan dhamaanten halkaan u joognaa inaan orodno, dhamaanteen waxaa nahay kuwo siman, furaheenna waa inaan tartanno”

“Taasna waxey ku tusineysaa maanta in ciyaartoyda aan mar walba aheyn dooqa koowaad ay xitaa baahan yahiin. waxey sameynayeen cadaadis sidoo kalana wey ordayeen”

“Ma qeexi karo wixii la yiri, balse nagama caryesiineyso taas, [Luka] Modric badanaa wuu hadlaa laakiin kuwa kale maya, isla markiiba waxaa la sheegayaa inuu ku qeyliyay Alvaro iyo Isco. orod oo soo raadi warbixinta. waan fahmi karaa waxaad ku qasban tahay inaad iibsato jaraa’idyadaada balse kalsoonida waxey timaadaa ka hor wax walba”

Leave a Reply

Your email address will not be published.