Masas weerar ah oo halis geliyay jasiiradda Guam

Masas weerar ah oo halis geliyay jasiiradda Guam

Masas aad u badan oo baabi’iyay shimbiraha jasiiradda badda Pacific ee Guam ayaa sidoo kale halis gelinaya keymaha waaweyn iyo dhirta ku taalla.

Seynis yahannada waxay sheegayaan in tirada masaska oo aad u badan iyo socodkooda uu saameeyay dhirtii ka bixi lahayd keymaha iyo shimbiraha halkaasi ku nool.

Cilmi baarayaashu waxay sheegeen in dhirta cusub ee jasiiradda ka soo bixi lahaa ay boqolkiiba 92 hoos u dheceen.

Dhibaatada raxanta masaska ah ay abuurayaan waxay sababi kartaa cawaaqib xumo aysan ka soo kabsan karin dhirta iyo xeywaanada kale ee halkaasi ku nool.

Waxaa la aaminsan yahay masaskaasi halkaas lagu geeyay markab, ka dib dagaalkii labaad ee dunida.

Jasiiradda Guam oo aad u yar waxaa ku nool laba milyan oo masas ah.

Masaska oo aad u laayay shimbiraha, waxay cuneen 10 ka mid ah 12 ka nooc ee shimbiro ee ku nool Guam.

“Inaad hal maalin ku sugnaato jasiiradda Guam, nafsad ahaantaada waxaad dareemeysaa in cadaawad badan ay halkaasi ka jirto”, ayuu yiri Prof Haldre Rogers, oo ka tirsan jaamacadda Iowa.

“Markaad kor ka eegto, shimbiraha si joogto ah ayey u duulayaan oo ay u baqayaan, markaad gudaha gashana, meelaha qaar wayba ka baabe’een”, ayuu hadalkiisa raaciyay.

Prof Rogers iyo saaxiibadiisa waxay ogaadeen in boqolkiiba 70 geedaha Guam aysan soo saarin miraha ay shimbiraha cunaan taas oo ay ugu wacan tahay masaska.

“Saameynta uu yeeshey duullaaanka masaska, iyo in shimbiraha qaar ay jasiiradda ka guuraan, waa wax aan weli si rasmi ah loo soo bandhigin,” ayey sheegeen seynisyahannada.

“Balse natiijada aan soo helnay waxay si cad u muujineysaa in masaska saameyn weyn ay yeesheen, si gaar ah waxay u baabi’iyeen qaabka keynta iyo noolaha ku dhex jira”.

Xigasho: BBC

Leave a Reply

Your email address will not be published.