Dil foolxun oo goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho

Dil foolxun oo goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho

Dabley hubaysan ayaa saaka Degmada Dharkiinleey ee Gobolka Banaadir waxa ay ku dileen Nin da’ ah oo lagu magacaabi jiray Maxamed Axmed Saacid ( Qumbo).

Ninkaan ayaa la sheegay inuu horfadhiyay gurigiisa Degmada Dharkiinley xilliga Kooxaha hubaysan ay falka dilka ah u geysanayeen.

Wararka ayaa sheegaya in raggii dilka geystay ay ka baxsadeen goobtaasi, mana jirin ciidan dowladda ka tirsan oo dabagal ku sameeyay raggii dilka geystay.

Marxuumka la dilay ayaa wararka qaar waxa ay sheegayaan inuu ka tirsanaa qaybta Maaliyadda ciidamada Booliska Somaliyed.

Da’diisa ayaa la sheegay inay gaareyso 80 jir, sida qaar ka mid ah dadka deegaanka ay xaqiijiyeen.

Leave a Reply

Your email address will not be published.