Faahfaahin kasoo baxeysa Afduubka wiil uu dhalay Gudoomiyihii hore ee Degmada Afgooye

Faahfaahin kasoo baxeysa Afduubka wiil uu dhalay Gudoomiyihii hore ee Degmada Afgooye

Wiil uu dhalay Gudoomiyihii hore ee Degmada Afgooye C/laahi Cabdi Axmed (Iidey) ayaa xalay lagala baxay hooygiisa Magaalada Afgooye ee Gobolka Shabellaha hoose.

Kooxo hubaysan oo loo maleynaayo inay ka tirsan yihiin Ururka Shabaab, ayaa la sheegay in Wilka uu dhalay Gudoomiyihii hore ee Afgooye ay afduubteen.

Wararka waxa ay sheegayaan hooyga uu ka deganaa Magaalada Afgooye Wiilkaan inay werareen kooxaha hubaysan, halkaasi waxa ay ku dhaawaceen labo ruux oo rag iyo dumar kala ah.

Intaasi kadib Kooxihii hubaysnaa ayaa afduubtay Wiilka uu dhalay Gudoomiyihii hore ee Degmada Afgooye oo aanan la garaneyn illaa hadda meesha lala aaday.

Xaalada Magaalada Afgooye ayaa maalmahan dambe waxa ay noqotay mid qasan, waxaana Magaalada ku soo badanaya Kooxaha falalka lidiga ku ah dhanka ammaanka ka geysanaya Magaaladaasi.

Leave a Reply

Your email address will not be published.