Kooxaha ugu waaweyn Yurub oo ku dagaalamaya saxiixa Lukaku

Kooxaha ugu waaweyn Yurub oo ku dagaalamaya saxiixa Lukaku

Dhawaan ayay ahayd markii ay soo baxday in Lukaku uu saxiixayo heshiis cusub oo shan sanadood ah wuxuuna wakiilkiisa Mino Raiola uu cadeeyay in boqolkiiba 99.9% uu Lukaku heshiiskan saxiixayo balse wax kastaaba si deg deg ah ayay isku badaleen. Inta ugu badan warbaahinta Ingiriiska ayaa xaqiijisay in Lukaku uu kooxdiisa ku wargaliyay in aanu wax heshiis cusub ah saxiixi doonin.

Kooxaha Chelsea iyo Manchester United oo tan iyo xagaagii hore lala xidhiidhinayay saxiixa Romelu Lukaku ayaa safka hore kaga jira kooxo badan oo doonaya adeega xidiga ree Belgium kaas oo xili ciyaareedkan wacdaro ku soo bandhigay kooxda Everton. Lukaku ayaa haddaba hogaaminaya gool dhalinta Premier Leaque-ga, wuxuuna diyaar u yahay in dhamaadka xili ciyaareedkan uu helo koox cusub oo uu ka sii wato heerka fiican uu ka gaadhay waayihiisa ciyaareed.

Kooxaha Real Madrid, PSG iyo Tottenham ayaa dhamaantood ka mid ah liiska dheer ee kooxaha ku hamiyaya in ay helaan saxiixa Lukaku oo tayadiisa ku cadeeyay kooxda Everton kadib markii uu waqti adag ku soo qaatay Chelsea. Laakiin Antonio Conte iyo kooxdiisa Chelsea ayaa kalsooni dheeraad ah ku qaba in ay Lukaku dib ugu soo celin karaan Stamford Bridge.

Wargayska The Sun ayaa ku waramaya in kooxda Everton ay dalban doonto 70 milyan oo gini si ay Lukaku ugu ogolaato in uu safka kooxdeeda ka baxo dhamaadka xili ciyaareedkan, waxaana warka The Sun lagu xusay in Chelsea ay doonayso sidii Lukaku uu badal ugu noqon lahaa Diego Costa oo aanu mustaqbalkiisu sal dhigin halka Man United ay doonayso in uu badalo Ibrahimovic oo dhawaan 36 sano jir noqon doona isla markanaa aan wali saxiixin hal sano oo uu ku kordhin lahaa heshiiska uu halka xili ciyaareed ku joogay Old Traffrod.

Leave a Reply

Your email address will not be published.