AKHRIS: R/W Kheyre oo 5 qodob kasoo saaray Doorashada Maamulka Galmudug

AKHRIS: R/W Kheyre oo 5 qodob kasoo saaray Doorashada Maamulka Galmudug

Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xassan Kheyre ayaa ka hadlay Doorashada la filaayo in dhawaan ay ka dhacdo magaalada Cadaado ee Xarunta KMG maamulka Galmudug.

Ra’isul wasaaraha Xukuumada ayaa sheegay in dalka uu ku jiro xaalado kala duwan oo ay ugu horeyso abaarta waxa uuna Baarlamaanka Galmudug usoo jeediyay in Doorashada la dib dhigo 45 maalmood, iyadoo la fiirinaayo xaalada adag ee uu dalka ku jiro.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Ra’isul wasaaraha ayaa waxaa looga hadlay xaalada adag ee uu dalka ku jiro iyo Doorashada maamulka Galmudug waxaana qoraalkaasi lagu yiri:

1-ka dib markuu tixgeliyey duruufaha qalafsan ee ka dhashay xaaladda abaaraha ee ka jirta deegaanka Galmudug oo hadda gurmadkeeda lagu gudo jiro iyo baahida loo qabo maamul lagu wada qanacsanyahay.

2-Maadaama ay Dawladda Federaalka Soomaaliya ay ku gudo jirto dhameystirka Golaha Fulinta ee xukuumadda taasoo aan looga maarmeyn fududaynta iyo ka qayb qaadashada doorasahda Galmudug.

3-Raiisul wasaaraha Soomaaliya wuxuu soo jeedinayaa in Barlamaanka Galmudug uu doorashada dib u dhigo muddo dhan 45 maalmood si loo yagleelo maamul dhaxal gal ah oo hoggaankiisa heshiis laga wada yahay.

4-Murashaxiinta Jagada Madaxweynaha Galmudug waxaan ugu baaqayaa in ay nala tixgeliyaan in la helo dib-u-heshiisiin iyo is afgrad, si loo qabto doorasho xor iyo xalaal ah oo lagu doorto hogaan raali ka yihiin dhammaan shacabka Galmudug.

5-Ugu danbeyntii waxan ugu baaqayaa shacabka Galmudug iyo hogaamiyeyaasha Bulshada Galmudug in fursadan taariikhiga ah loo wada guntado, si iyadoo loo dhan yahay loo dooran lahaa hoggaan u hordeeda bulshada nabad iyo horumar dhan walba ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.