Gunners oo Tottenham & Chelsea kula soo biirtay dagaalka loogu jiro saxiixa Barkley

Gunners oo Tottenham & Chelsea kula soo biirtay dagaalka loogu jiro saxiixa Barkley

Sida ay saakay daabaceen qaar kamid ah wargeysyada Ingiriiska Arsenal ayaa ku soo biirtay tartankan loogu jiro saxiixa weeraryahanka doonaya inuu ka tago kooxda Everton ee Ross Barkley, sida ay warinayso jariiradda Daily Mirror.

Ross Barkley oo 22-sano jir ah ayey iibin doontaa kooxda Toffees lagu naanayso xagaagan haddii uusan heshiis cusub u saxiixin kooxda.

Chelsea iyo Tottenham oo ka wada dhisan Premier League ayaa la rumaysan yahay inay indhaha ku hayaan inay Barkley ka soo kaxaystaan garoonka Goodison Park, Gunners ayaana tartan adag kala kulmi doonta kooxaha ay ka wada dhisan yihiin magaalada London.

Leave a Reply

Your email address will not be published.