Iniesta oo iska diiday dalab waali ah oo China uga yimid

Iniesta oo iska diiday dalab waali ah oo China uga yimid

Iniesta oo qandaraaska uu kula jiro Barcelona uu dhacayo xili ciyaareedkan, ayaa sida uu saakay daabacay wargeyska AS ee Spain kasoo baxa iska diiday dalab waali ah oo kaga yimid Horyaalka China.

AS, ayaa sheegtay in Iniesta uu iska diiday 2 dalab oo kala duwan, kuwaasoo kasoo gaaray China, mid kamid ah dalabyadaas ayaa xidigan loo sheegay in sanadkii uu qaadan doono 35 million euros oo ay Canshuurtiisa banaanka ka tahay.

Balse Iniesta ayaa gaashaanka u daruuray iskana diiday dalabkaas waalida ah, wuxuuna doonayaa inuu markale qandaraaska usii kordhiyo Kooxdiisa, si uu sanado badan ula sii joogo.

Iniesta ayaa la fahansanyahay inuu qandaraas 2 sano ah qalinka ugu duugi doono Barcelona.

Leave a Reply

Your email address will not be published.