Manchester City iyo Liverpool oo isku garab dhacay (Sawiro)

Manchester City iyo Liverpool oo isku garab dhacay (Sawiro)

Sergio Aguero ayaa kooxdiisa Manchester City guuldaro ka badbaadiyay kadib markii uu kansalay gool rekoodhe ahaa uu James Milner u dhaliyay kooxdiisa Liverpool. Jurgen Klopp iyo kooxdiisa Reds ayaa sii wata rekoodhka layaabka leh ee ay xili ciyaareedkan ka haystaan dhmaan kooxaha waa wayn iyaga oo aan wax guuldaro ah kala kulmin dhamaan kooxaha waa wayn ee ay sida tooska ah ula xifiltamayso.

Liverpool iyo Manchester City ayaa iska lumiyay min laba dhibcood oo ay sare ugu kori lahaayeen miiska kala saraynta Premier Leaque-ga waxayna baaqi ku sii ahaan doonaan kaalmihii ay markii horeba ku jireen ee saddexaad ee Manchester City ku jirto iyo afraad oo ay Liverpool ku jirto. Laakiin hal dhibic oo kaliya ayaa labada kooxood kala saarta.

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

Manchester City (4-1-4-1): Caballero; Fernandinho, Stones, Otamendi, Clichy; Yaya Toure; Sane, De Bruyne, Silva, Sterling; Aguero.

Kaydka:Bravo, Sagna, Fernando, Nolito, Kolarov, Iheanacho, A. Garcia.

Liverpool (4-3-3): Mignolet; Clyne, Matip, Klavan, Milner; Can, Wijnaldum, Lallana; Mane, Coutinho, Firmino.

Kaydka: Karius, Lovren, Moreno, Alexander-Arnold, Lucas, Origi, Woodburn.

Manchester City iyo Liverpool ayaa qaybtii hore ee kulankan soo bandhigay ciyaartii ugu fiicnayd ee kulan horyaalka Premier Leaque-ga xili ciyaareedkan lagu soo badhigay qaybta hore ee kulamadii la soo ciyaaray, waxayna muujiyeen ciyaar qurux badan, fursad abuuris iyo baqasho la’aan, laakiin haddana ma rumaysan kartid in qaybtii hore ee kulankani ku dhamaatay barbaro gool la’aan ah

Manchester city ayaa ciyaarta dardar fiican ku bilaabatay waxayna markiiba ahayd kooxda culayska soo saartay goolka Liverpool waxayna kooxda Guardiola abuuraysay fursado fiican iyada oo Divd Silva uu ka mid ahaa xidigaha fursada fiican helay bilawgii kulankan.

DAQIIQADII 24 AAD Liverpool ayaa ku dooday in ay xaq uleedahay rekoodhe kadib markii Sadio Mane saamayntiisa la soo galay xerada ganaaxa Citezens isla markaana uu cadaadis kala kulmay Otamendi laakiin garsooraha ayaa tilmaamay in aanu jirin cudur daar rasmi ah oo rekoodhe lagu dhigi karaa kaas oo ahaa go’aanka ugu dhaw ee uu qaadan karayay.

DAQIIQADII 39 AAD Sidee ayuuna gool unoqon? De Bruyne iyo David Sevilla ayaa shaqo cajiib ah soo qabtay waxaana masuuliyada in uu dhaliyo goolka furitaanka Man City dusha loo saaray xidigii Liverpool uga soo wareegay ee Raheem Sterling kaas oo ku fashilmay in uu si deg deg ah dhamaystir u sameeyo laakiin waxaa shaqo fiican oo uu gool cadaan ah ku badbaadiyay sameeyay isla xidigii Man City sida xorta ah uga baxay ee James Milner.

Miyay ahayd badbaadin layaableh oo uu James Milner sameeyay, mise waxay ahayd gool qasaarin aad u liidata oo uu Sterling sameeyay?. Marba dhinaca aad ka eegto ayay noqonaysaa. Ciyaarta ayaa noqotay mid waali ah oo dhinac kasta laga filan karo gool waxaana sare u kacday xamaasada Etihad Stadium.

DAQIIQADII 40 AAD CABALLERO!. Liverpool ayaa markeeda heshay fursad cajiib ah oo ay hogaanka ciyaarta kula wareegi kartay iyada oo Roberto Firmino uu ahaa xidiga markan laga filayay in uu shabaqa City u dhaco laakin goolhaye Caballero ayaa saamayntiisa ku muujiyay si uu Sky Blues uga beeniyo gool looga naxsan lahaa!!.

DAQIIQADII 42 AAD CABALLEROOOOOOOOOOO! Liverpool ayaa markale heshay fursad ay Manchester City dhibaato ugu abuuri lahayd iyada oo koornayaal xidhiidh ah fursado badan ku abuuraysay laakiin kubbad ay City iska saartay ayuu Adam Lallana ka soo darbeeyay cidhifka xerada ganaaxa waxayna u muuqatay mid sii dhex mushaaxaysa goolka City laakiin waxaa kubbada shabaqa uga dhaartay CABALLERO!.

Waxay ahayd ciyaar daawashadeeda loogu raaxaystay fursad abuuris, farsamo ahaan iyo kubbad aan sare kacsanayn laakiin waxaa ka maqnaa gool dhalintii xamaasada ciyaarta ka dhigi lahayd mid heer kale ah, waxaana lagu kala nastay iyada oo ayna jirin wax labada kooxood kala saarayaa.

DAQIIQADI 49 AAD REKOODHE!!  Gaël Clichy ayaa naftiisa iyo kooxdiisa meel xun dhigay kadib markii uu isku dayay in uu Roberto Firmino kula tartamo kubbad uu xidiga ree Brazil doonayay in uu gool ku dhaliyo laakiin garsoore Michael Oliver ayaa si sahlan u tilmaamay rekoodhe wuxuuna kaadhka digniinta ah u taagay  Gaël Clichy isaga oo Liverpool ku abaal mariyay rekoodhe.

DAQIIQADII 50 AAD GOOOOOOOOOOOL!! Sidii caadada u ahayd James Milner ayaa kubbada qaatay wuxuuna jahada qaldan u diray goolhaye Caballero isaga oo shabaqa ka soo taabtay kooxdiisii hore ee Manchester City si uu hogaanka ugu dhiibo kooxdiisa hadda ee Liverpool wuxuuna natiijada ciyaarta ka dhigay 1:0 ay ugu danbayn Reds ku jabisay ismari waagii ciyaarta.

Goolkan ayaa wax badan ka badalay qaybtii ay ciyaartu ahayd waxayna Liverpool noqotay kooxda si buuxda ciyaarta gacanta ugu qabtay waxayna Manchester City umuuqatay mid Guardiola uga baahan in uu isbadal wayn ku sameeyo. Liverpool ayaa baadi goob wayn ugu jirtay goolka labaad.

DAQIIQADII 69 AAD GOOOOOOOOOOOL!! Manchester City ayaa ciyaarta dib ugu soo laabtay waxaana goolka barbaraha u keenay Sergio Aguero kaas oo Klavan ku garaacay kubbad uu  Kevin De Bruyne soo hormariyay goolka Liverpool waxaan sidoo kale wax gool badbaadin ah samayn Mignolet waxayna ciyaartu noqotay barbaro 1:1 waxaana dib u shidantay xamaasadii sii muuq beelaysay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.