Sawiro: Goolkii Gary Cahill oo sabab u noqon gaaray shalay in Conte Farxad darteed wadnaha istaago

Sawiro: Goolkii Gary Cahill oo sabab u noqon gaaray shalay in Conte Farxad darteed wadnaha istaago

Antonio Conte ayaa horay u xusay in uu halis ugu jiro in ay dhibaato ka soo gaadho wadnaha marka ay xamaasada kulamadu xad dhaaf ku noqotayo. Sida aad sawirada ka arki karo Conte ayaa koray biraha garoonka Stoke City ee kursiga kaydka isaga oo awoodi waayay in uu naftiisa xakameeyo kadib xili uu ka cabsi qabay in Blues ay qarka u saarnayd dhibco lumin.

Kadib markii ay Stoke City iska lumisay fursad wadno xanuun ku ahayd Chelsea ayuu Gary Cahil noqday geesiga Blues ee saddexda dhibcood ee uu Conte la suuxi gaadhay u soo hooyay. Waxay guulaha noocan oo kale ahi muujiyaan in kooxi tahay Champions, waana sabab aan loo raagsan doonin maalinta Blues koobka loo caleemo saari doono haddii aanu dhicin lama filaanka kubbada cagta barihii ugu danbeeyay ka soo jiray inkasta oo ay tahay waxaan hadda la filayn.

Leave a Reply

Your email address will not be published.