Warbixin ku saabsan Kulanka Liverpool & Manchester City

Warbixin ku saabsan Kulanka Liverpool & Manchester City

Tartanka:         Premier League

Garsooraha:    Michael Oliver.

Garoonka:       Etihad Stadium.

Waqtiga:          Axad, Mar 19,  7:30pm/ fiidnimo

Xaqiiqooyinka kulanka:

Manchester City ayaa 6-dii kulan ee ugu dambeysay 5 kamid ah guul daro kala kulantay Liverpool.

Liverpool ayaa guuleysaneysay 4 kulan oo isku  xikta oo ay wajahday Manchester City, waxeyna horey sidaasi u sameysay sanadii 1981-kii, xiligaasoo 7 kulan oo siku xikta ay guul ka gaartay Manchester City.

Manchester City ayaan shabaqeeda ka ilaashan Liverpool 12 kii kulan ee ugu dambeeyay dhamaan tartamada oo idil, kulamadaasina waxaa looga dhaliyay 23 gool.

Liverpool ayaan weli wx guul daro ah kala kulmin 6-da koox ee ugu sareysa Premier League 9 kulan oo ay wajahday, 5 kulan oo guul ah iyo 4 bar-baro ah.

Jurgen Klopp 5 goor ayuu ka adkaaday dhigiisa Pep Guardiola dhamaan tartamada oo ay isku arkeen, waana in kabadan tababarayaasha kale.

12 kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay labadan kooxood isku arkeen dhamaan tartamada oo idil 2 kamid ah waxaa adkaatay City, 6 kamid ahna waxaa adkaatay Liverpool, halka 4 kulan oo kamid ah ay bar-baro ku kala bexeen.

Shaxaha labada koox lafilayo in ay garoonka ku soo galaan.

Manchester City:

Liverpool:

Leave a Reply

Your email address will not be published.