Zlatan oo shuruud adag ku xirtay inuu heshiiska u kordhiyo United

Zlatan oo shuruud adag ku xirtay inuu heshiiska u kordhiyo United

Xidiga da’da ah ee sii cagacageeynaya 35 sano Zlatan Ibrahimovic, ayaa lagu soo waramayaa inuu maamulka Sare ee United u sheegay in qandaraaska u kordhin doono hadii meel loo saaro Mushaar lamid ah kan ay qaataan Pogba iyo Rooneey, kuwaasoo hada isbuucii Old Traford ka qaata aduun dhan £300k

Ibra oo hada 35 jir ah ayaa qandaraaska uu kula jiro United waxa uu ku egyahay xili ciyaareedkan, waxaana uu mushaar ahaan isbuucii u qaataa £260,000.

Ibra ayaa xili ciyaareedkan bilawgiisi si xor ah United uga soo biiray Naadiga PSG, waxaana tartamada oo idil uu u dhaliyay 26 Gool, waana taas tan keentay in macalin Mourinho iyo taageerayaasha United uga dalbadeen inuu lasoo joogo xili ciyaareed kale.

Sidoo kale Zlatan waxaa la fahansanyahay in qudhiisa uu doonayo inuu sii joogo United islamarkaasna uu Koobab kula guuleeysto halkii uu naadi kale aadi lahaa.

Jose Mourinho oo ah macalinka United ayaa horay u sheegay inuu kalsooni buuxdo ku qabo in Zlatan uu sanad kale lasii joogi doono iyaga.

Leave a Reply

Your email address will not be published.