Feysal C. Waraabe ”Waxaan oran lahaa inta aad ku mashquuleysaan Heshiiska Somaliland iyo Imaaraadka ku mashquula kan Muqdisho iyo Turkiga”

Feysal C. Waraabe ”Waxaan oran lahaa inta aad ku mashquuleysaan Heshiiska Somaliland iyo Imaaraadka ku mashquula kan Muqdisho iyo Turkiga”

Faysal Cali Waraabe Gudoomiyaha Xisbiga UCID ee Somaliland, ayaa ka hadlay heshiiska ay kala saxiixdeen Somaliland iyo Imaaraadka Carabta ee ku qotoma Saldhiga Berbera ay ka dhisanayaan Imaaraadka.

Waxa uu ku tilmaamay dadka diidan heshiiskaasi ee dhaliisha kala duwan jeedinaya inay yihiin kuwa diidan horumarka Somaliland.

Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay dadka dhaliilaya heshiiska Saldhiga Imaaraadka in loo baahan yahay inay ka hadlaan Saldhig uu sheegay Turkiga inay ka hirgelinayaan Magaalada Muqdisho.

“Heshiiska ay kala saxiixdeen Imaaraadka carabta iyo Xukuumadda Soomaliland waxa uu niyad jab weyn ku yahay kuwa kasoo horjeeda Hormarka Somaliland, waxaan la yaabay qof walba Saldhiga Berbera ayuu ka hadlayaa, miyaysan dadka arkaynin Saldhiga aadka u weyne ee Turky-ga ka dhisanayo Magaalada muqdisho”, ayuu yiri Feysal Cali Waraabe.

Somaliland iyo Dowladda Isutaga imaaraadka carabta ayaa xalay kala saxiixday heshiiska dowladda Imaaraadka ay kula wareegaysa Saldhiga Militari ee Magaalda Berbera ee Gobolka Saaxil.

Leave a Reply

Your email address will not be published.