Kooxo ka dheela Horyaalka Ingiriiska oo doonaya Luke Shaw

Kooxo ka dheela Horyaalka Ingiriiska oo doonaya Luke Shaw

Luke Shaw ayaa doonaya inuu isaga tago Manchester United ayadoona ay aad u xiisaynayaan kooxo reer  England ah, sida ay wararku ay sheegayaan.

Red Devils daafaceeda ayaa ciyaaray waqti yar xilli ciyaareedkan asagoona saftay kaliya 15-kulan dhammaan tartamada, asagoo sideed kamid ah saftay horyaalka.

Marka laga soo tago middaad, Shaw waxaa loogu yeeray safka England ee uu soo magacaabay tababare GrethSouthgate asaga oo loo tix galiyo mid kamid ah danbeedyada ugu fiican ay ee ay haysato England.

Daily Star ayaa sheegaysa in Newcastle, Stoke and Crystal Palace ay doonayaan in ay Shaw ay kala soo dhaqaaqaan Old Trafford.

Labada koox ee Premier League ku sugan waqtigan ee Stoke and Palace, ayaa diyaarinaya inay bixiyaan lacag dhan £15million oo ay ku doonayaan adeegga xidigan, halka Newcastle sidoo kale la fahansanyahay in ay Shaw doonayso marka ay xaqiijiyaan hankooda ku aadan kusoo laabashada Premier League.

Sheekadan ayaa aheed mid mar walba isha lagu hayay kadib markii 21-jirkan uu shaaca ka qaaday inuu isaga tagyo United asgoon bartilmaameedsan doona koox uu ku hormarin karo hibadiisa kubadda cagta.

Leave a Reply

Your email address will not be published.