Ma dhabaa in Yuusuf Garaad uu kamid noqon doono Xukuumadda Cusub, Wasiirkeese loo magacaabi doonaa?

Ma dhabaa in Yuusuf Garaad uu kamid noqon doono Xukuumadda Cusub, Wasiirkeese loo magacaabi doonaa?

Ilo  lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Danjiraha QM u fadhiya Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar Axmed uu kamid noqon doono Xukuumadda cusub ee dhawaan lagu wado inuu soo dhiso Ra’iisul wasaare Kheyre.

Yuusuf Garaad, ayaa maalmihii u dambeeyay ku sugnaa magaalada Muqdisho, waxaana rajo weyn ay kazoo gashay inuu kamid noqdo Xukuumadda la dhisi doono.

Rajada Yuusuf Garaad waxaa sii xoojiyay markii Ra’iisul wasaare loo magacaabay Xasan Cali Kheyre, waxayna wararku sheegayaan in loo xaqiijiyay inuu xilka wasiir ee Beeshiisa heli doono.

Dhinaca kale Yuusuf garaad ayaa lasoo wariyay in qaar kamid ah saaxiibadiis aadka ugu dhow uu u sheegay inuu wasiir ka noqon doono Xukuumadda Cusub, taasina uu 100% isku hubo.

Wasiirkee loo magacaabi doonaa Yuusuf Garaad?

Yuusuf Garaad waxa uu saaxiibadiis u sheegay in loo magacaabi doono wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, waxaana arintaan ku taageeraya oo garab weyn ku siinaya nin Ganacsade ah oo ay xigto yihiin oo qaraabo iyo saaxiib dhow la ah Ra’iisul wasaaraha.

Leave a Reply

Your email address will not be published.