Madaxweyne Magacabaay 110 Wasiir

Madaxweyne Magacabaay 110 Wasiir

Madaxweynaha dowladda  Ghana Nana Akufo-Addo ayaa magacaabay Wasiirada ugu tirada Badnaa Qaaradda Afrika.

Madaxweynaha ayaa magacaabay Gole Wasiiro ah  ka kooban 56 Wasiir,50 Wasiir ku xigeen iyo 4 Wasiiro madaxtooyo, waxaana Wasiiradii ugu tirada badnaa ee Soomara Qaarada Afrika.

Dadka kunool  dalka Ghana oo waxa ay gaarayaan 27 milyan oo Qof.

Wasiirada uu soo magacaabay ayaa u badan Xildhibaanada Baarlamaanka dalka Ghana.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale difaacay Wasiirada tirada badan oo uu sheegay in ay muhiim u yihiin dowladiisa.

Waxa uu sheegay in shaqo la’aan ba’an ee haysata dhallinta dalkaasi ay tahay wax aad looga walaaco.

Akufo-Addo ayaa intaa ku daray in uu sameyn doono xafiis baaritaan ku sameeyo musuqa ka jira dalka, arrintaa oo qayb weyn ka ahayd ololihiisa doorashada.

Leave a Reply

Your email address will not be published.