Miyuu Paulo Dybala safan doonaa Kulanka Barcelona?

Miyuu Paulo Dybala safan doonaa Kulanka Barcelona?

Paulo Dybala ayaa ku dhaawacmay kulankii kooxdiisa ay la ciyaareen caawa kooxda Sampdoria xilligaas oo ay Juve ku badiyeen hal gool oo uu saxiixay Juan Cuadrado daqiiqaddii 7-aad ee biloowga ciyaarta

Laacibkaas ayaa ka baxay garoonka daqiiqaddii 27-aad ee qeybta hore ka dib dhaawac gaaray lamana garaanayo heerka uu gaarsiisan yahay dhaawacaas

Waxaase la hubaa in laacibka uu ka sheeganayo dhibaato dhanka muraqa ah waxaana lagu wadaa in Juve beri war ka soo saaraan xaaladdiisa caafimaad

Haddii ay dhacdo in uu la maqnaado waxa ay tani Juve u tahay dharbaaxo maadaama uu ku soo wajahan yahay kullan wareegga 8-da Champion-ka ah

Kulankaas ayaa lugtiisa 1-aad waxaa11-ka bisha dambe lagu soo ciyarayaa garoonka Juve halka kan xiga uu dhacayo isal bishaas19-keeda

Leave a Reply

Your email address will not be published.