Neymar: Maalinkeey noqotaba waan aadi doonaa Horyaalka Ingiriiska

Neymar: Maalinkeey noqotaba waan aadi doonaa Horyaalka Ingiriiska

Xidiga reer Brazil iyo kooxda Barcelona Neymar Jr, ayaa wareysi uu bixiyay ku sheegay inuu ku riyoonayo inuu maalin uun ka ciyaaro Horyaalka Ingiriiska.

Neymar ayaa sheegay in Jose Mourinho ama Guardiola midkood uun uu ka hoos ciyaari doono maadaama ay yihiin 2 tababare oo aad u weyn.

Neymar oo hada 25 jir ah ayaa wareysi gaar ah  uu siinayay wargeyska TheSun waxa uu sheegay inuu xiiso gaar ah u qabo Horyaalka ingiriiska islamarkaasna uu rajeeynayo inuu mar uun u baqoolo halkaas.

“Waan jeclahay qaabka halkaas Kubadda looga ciyaaro iyo kooxaha ka dhisan, haa..maalin uun waan ka ciyaari doonaa halkaas.” Ayuu yiri Neymar.

“Waxaan aad u daawadaa kana helaa ciyaartooda kooxaha kala ah Manchester United, Chelsea, Arsenal, Liverpool, maxaa yeelay waa kuwa inta badan ku tartama Horyaalka” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Leave a Reply

Your email address will not be published.