Puntland oo shaacisay in Farmaajo iyo Kheyre ay iyaga isku mashquulsan yihiin

Puntland oo shaacisay in Farmaajo iyo Kheyre ay iyaga isku mashquulsan yihiin

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya iyo sidoo kale Ra’iisulwasaaraha in ay ku dhow yihiin in ay lumiyaan kalsoonida Shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in dowladdu ay wali cusubtahay ay laakiin hadda ay u muuqato mid sii luminaysa Kalsoonidii ay siiyeen Shacabka Soomaaliyeed.

Mudane Camey ayaa sidoo kale tilmaamay in ay muhiim tahay in aan la isku mashquulin oo lasoo dhiso xukuumad.

Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Waqtigii ay u qabteen Baarlmaanka Soomaaliya in uu kusoo dhiso xukuumad waxaa ka dhiman muddo ka yar 10 maalmood.

Leave a Reply

Your email address will not be published.