Sawiro: Barcelona oo kusoo dhawaatay Real Madrid markii ay xalay garaacday Valencia

Sawiro: Barcelona oo kusoo dhawaatay Real Madrid markii ay xalay garaacday Valencia

Wiilasha Luis Enrique waxa ay guul ahmiyad weyn u leh ka gaareen Valencia kulankii goor dhaweyd ku soo dhamaaday Camp Nou.

Barcelona waxaa gool uga naxsaday Eliaquim Mangala daqiiqadii 29-aad kahor inta uusan lix daqiiqo kaddib bar bareen Luis Suarez.

Lionel Messi ayaa gool ku laad u dhaliyey daqiiqadii 45aad balse isla daqiiqadaas waxaa bar bareeyey Munir oo hore uga tirsanaa Barcelona. Ciyaarta waxaa lagu kala nastay 2-2.

Yeelkeede, laba gool oo kale ayey ku dartay Barcelona waxaana u kala dhaliyey Lionel Messi iyo Andre Gomez.

Eliaquim Mangala waxa uu kaarka cas qaatay daqiiqadii 44-aad.

Catalans waxa ay wali ku jiraan kaalinta labaad iyaga oo laba dhibcood ka hooseeya Real Madrid oo uu baaqi kulan u yahay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.