Warkii hore war soo dhaaf: Guardiola oo 12 xidig ka diri doona City

Warkii hore war soo dhaaf: Guardiola oo 12 xidig ka diri doona City

Kadib barbarihii ay xalay kooxdiisa la gashay Liverpool Macalinka reer Spain Pep Guardiola, ayaa shaaciyay inuu is badal weyn ku sameyn doono kooxdiisa xagaaga soo aadan.

Guardiola ayaa xalay xidigihiisa ku amaanay ciyaartii ay soo bandhigeen, balse dhinaca kale waxa uu ka dhawaajiyay in mudo 2 maalmood ah xidigihiisa iyo isaga aysan isla hadlin Kadib waji gabixii ay kazoo qaadeen Monaco.

“SI fiican ayaan u garanayaa xidigahayga iyagana weey igaranayaan, laakiin xili ciyaareedka soo aadan waxaan sameeyn doonaa isbadalo badan” ayuu yiri Guardiola.

Hadaba Guardiola ayaa la fahansayahay inuu qaar badan oo kamid ah xidigiisa uu albaabka tusi doono islamarkaasna uu lasoo wareegi doono kuwo kale oo cusub.

Leave a Reply

Your email address will not be published.